For information about contraception, pregnancy options and sexual health in Victoria

Miyaad raadinaysaa macluumaad ku saabsan ka hortaga uurka, fursadaha uurka ama caafimaadka galmada?

Yaanu nahay

Waxaan nahay website iyo khad taleefan oo madax bannaan ee laga helo Victoria. Adeegeena bilaashka waa mid qarsoon oo xor ka ah wax ku xukumid. Waxaan sidoo kale rumeysanahay in dumarku xaq u leeyihiin inay doortaan haddii ay doonayaan inay sii wadaan uurka ama iska soo ridaan. Dhammaan taleefanadeena waxaa ka jawaabaya dumar. Turjumaanadeenu dhammaan waa dumar sidoo kale. Waxaan sidoo kale sameyn doonaa sida ugu wanaagsan si aan u helno dhakhaatiir dumar ah adiga haddii aad codsato.

Waxaan bixinaa:

Ma bixino tallo maaliyadeed, sharci, ama caafimaad ama la talinta.

Sidee baan kuu caawin karnaa

Shaqaalaheena taleefanku waa kaala hadli karaan baahidaada caafimaadka galmada iyo ilmo dhalista, waxay heli karaan adeegyo kugu haboon.

Su’aalaha badanaa nala weydiiyo waxaa ka mid ah:

Waxaan sidoo kale leenahay keydka macluumaadka adeegyada caafimaadka ilmo dhalista iyo galmada ee Victoria oo aad ka raadin kartid website keena.

Khibradeena

Waxaan si shirko ah ula shaqeynaa boqolaal adeegyo laga helo Victoria oo dhan ( oo ay ku jiraan GPs, xarumaha caafimaadka bulshada, isbitaalada iyo farmashiilayaasha) – si aad u hesho adeegyada sida ugu wanaagsan kuugu fulineysa baahidaada.

Macluumaadka aan bixino wuxuu ku saleysan yahay caddeyntii ugu danbeysay taas oo lagu saleeyay cilmi baarista khabiirnimo ee hadda jirta.

Raadintu waa fududahay

Website ka 1800 My Options wuxuu kuu ogolaanayaa inaad ku raadisid adeegyo wakhtiga kuu gaarka ah. Waxaad raadin kartaa adeegyada sida bixiyayaasha adeega uur ka hortaga iyo ilmo iska soo rididaba, farmashiyada iyo la taliyayaasha fursadaha uurka aadan dooneynin.

Nala soo xiriir:

Waraaqaha xaqiiqda

Xaggan hoose waxaa ku qoran qaar ka mid ah waraaqaha xaqiiqda guud ee ku saabsan mowduucyada caafimaadka iyo taranka

1800 fursadaheyga waa adeeg ay bixiso Women’s Health Victoria, (Haweenka Caafimaadka Fiktooriya), Waxaa maalgeliyey Dawlada Victoria.